Mudane Caddow ayaa sheegay inuu isku soo taagayo xilka madaxweynimo ee dalka Soomaaliya, isagoo xusay in dalka uu ku jiro xilli kala guur ah. Wuxuuna laba jeer oo hore u tartamay xilka madaxnimo ee Soomaaliya balse waa looga adkaaday.
"Sababaha aan halkan u imid waxaa kow ka ah inaan dadkeygii soo booqdo, muddo 10-sano ka badan ayaan ka maqnaa, halkan (Soomaaliya) waa lama huraan, waa gurigii hooyo, si kastoo looga maqnaado waa halkii loosoo laaban lahaa," ayuu Mr. Caddow u8gu sheegay suxufiyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho.
C/llaahi Caddow ayaa la tartamay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo madaxweynihii ka horreeyay Dr. C/qaasim Salaad Xasan kuwaas oo ay isugu soo hareen doorashadii ugu dambeysay, balse doorashada looga adkaaday.
Siyaasiyiinta badan ayaa quuddarreynaya inay isku sharraxaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan oo ay ku eg-tahay xilliga KMG ah, iyadoo C/llaahi Axmed Caddow uu kusoo biiray xubnahaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya