Shariif Xasan iyo shir jaraa'id qabtay markii lagu soo dhaweeyay Baydhabo ayaa wuxuu ciidamada Itoobiya kaga mahadceliyay gacantii ay ka geysteen in laga saaro Baydhabo xoogagii Al-shabaab.
Markii diyaaradihii waday Shariif Xasan ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa qadar kooban la jaray isgaarsiinta sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Baydhabo.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxay kulammo la leeyihiin maamulka degmada, kan gobolka, xidlhibaannada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan xarunta gobolka Bay.
Afhayeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wariyeyaal, iyadoo wafdigiisa uu noqonayo kii labaad ee dowladda ka socda oo tagay Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadan doonto booqashadiisa.
Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saddex toddobaad ka hor kala wareegay Baydhabo xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddada saddexda sano ka badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya