Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Bayaan kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo lagu daabacay barta Twitter ay ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in nolosha Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki aysan khatar ku jirin, waxayna sheegeen inuu ku nool yahay barwaaqo.
Al-Amriiki oo dhalashadiisu tahay Mareykan ah ayaa cajalad uu soo duubay ku sheegay in noloshiisa ay soo food saartay khatar, wuxuuna cajalada ku sheegay inuu ka baqdin qabo in la dilo.
"Waxaan billownay baaritaanno aan ku doonayno inaan ku ogaanno xaqiiqada iyo ujeedada ka dambeysa cajaladan muuqaalka ah ee ay warbaahintu daabacday,"ayay Al-shabaab ku sheegeen bayaankooda.
"Abuu-Mansuur Al-Amriiki noloshiisu khatar kuma jirto, wuxuu la nool yahay walaalihiis barwaaqo ayuuna ku jiraa," ayaa lagu yiri qoraalka. "Layaab ayyay ku noqotay Xarakada cajalada internetka lasoo dhigay, taasoo lagu sheegay inay ku jirto nafta Al-Amriiki khatar."
Xarakada Al-shabaab si toos ah ugama hadlin arrintan, marka laga reebo qoraalka lasoo dhigay barta Internet-ka, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo si cad ay u shaaciyaan dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar dagaalamaya Al-shabaab inay khatar nololeed soo wajahday.
Arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay wajahayso dagaallo ay kula jirto ciidamada DKMG ah, AMISOM, ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo gobollo kala duwan kaga sugan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya