Axad, Maarso 18, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank).
Madaxa Weftiga oo madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaariicda horumarineed ee uu Baanku ka wado mandaqada.
Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Cabdilaahi Cukuse.
“ Xubnaha weftiga ayaa ku dheeraaday muuqaalka quruxda badan ee ay Somaliland kala kulmeen, waxaanay sheegeen in uu soo jiitay marka la eego nabad-gelyada, horu-marka laxaadka leh ee ganacsiga madaxa banaan iyo hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
“madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyey booqashada uu baanku ku yimid dalka isaga oo ku dhiiri-geliyey in ay dhinacooda ku soo dhiiradaan in ay Somaliland wax kala qabtaan horumarka dhinac-yada badan ee ay u baahan tahay” ayaa lagu xusay kulanka Weftiga.
Dhinaca kale, waxa isla maanta uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga.
Hogaamiyaha weftigan Turkiga ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka, waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka Weftiga Turkiga iyo madaxweynaha ayaa lagu yidhi “ Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto”.
wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayuu madaxweynuhu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland