Dowladda Kenya oo ku Baaqday in Dib loo Celiyo Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab

Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa markii labaad maanta ku baaqday in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeeed ee ku jira xarooyinka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Wasiirka Amniga Gudaha dalka Kenya George Saitoti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay dhul ballaaran ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab wuxuuna ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la dejiyo dhulkaasi.

Wasiirka ayaa arintani sabab uga dhigay dhibaatooyinka dhanka amaanka ee ka jira dalka Kenya, isagoona sheegay in dowladda Kenya aysan dooneyn in ay ceyriso qaxootiga Soomaaliyeed balse ay u aragto in ay wanaagsantahay in dib loogu celiyo dalkooda maadaama buu yiri qeybo kamid ah gobollada dalka ay yihiin kuwo xasiloon.

Prof. Saitoti ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka baaraandegto sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku jira xerooyinka ku yaal Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa hore uga codsatay qaramada Midoobay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Dhadhabaab, walow ay arintaasi kadigeen dowlado fara badan oo ay kamid tahay dowladda Mareykanka oo sheegtay in aysan suurogal ahayn in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed, maadaama dalka Soomaaliya ay weli ka jiraan dhibaatooyinkii ay markii horeba kasoo carareen.

Xerooyinka ku yaal degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa waxa lagu qiyaasaa in ay ku noolyihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya ilaa 600-kun, kuwaasoo kasoo barakacay Abaaraha iyo colaadaha dabada dheeraaday ee ka jira dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya