Siira-Liyoon oo shaaciyay in ciidamadeeda ka mid noqonaya AMISOM ay bartamaha sannadkan tagayaan Soomaaliya

Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Sierra Leone ayaa sheegtay inay bartamaha sannadkan geynayso Soomaaliya hal guuto oo ciidamadeeda ka tirsan si ay uga qaybqaataan howlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ay wadaan ciidamada AMISOM.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dalka Sierra Leone, Major Ken Jabbi ayaa sheegay in ciidamadooda ay mar qura tagayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay dhammaantood ka kooban yihiin rag.

"Ciidamada Sierra Leone tiradoodu waa 850-askari oo tababar sare qaba, waxayna mar qura tagayaan Soomaaliya bisha Juun ee bartamaha sannadkan," ayuu yiri Maj. Jabbi oo warbaahinta kula hadlay xarunta dalkaas.

Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa wuxuu dhowr sano ka hor ballanqaaday inuu ciidammo nabad ilaalin ah u dirayo Soomaaliya kuwaasoo dib u dhacay, balse hadda waxay sheegayaan inay ka go'an tahay inay ciidammo u diraan Soomaaliya.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxay qayb ka qaadanayaan kororka tirada ciidamada AMISOM oo la gaarsiiyay 17,700 oo askari, kuwaasoo hoostagaya Midowga Afirka, balse ay dhaqaalahooda bixinayso Qaramada Midoobay.

Taliyaha ciidamada Sierra Leone ayaa sheegay inay ciidamadoodu aqoon durugsan u leeyihiin habka looga shaqeeyo dal ay colaado ka jiraan, ayna awood u leeyihiin inay kaalin muhiim ah ka qaataan xasilinta Soomaaliya.

Ciidamada Sierra Leone ayaa waxay la howlgalayaan ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya. halkaasoo ay Al-shabaab awood badan ku leedahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya