
Axad, October 09, 2011 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuriyada SomalilandAxmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii udanbeeyay safar Shaqo kumarayay gobolada Bariga Somaliland, ayaa maanta markii ugu horey meel fagaare ahkala hadlay dadweynaha magaaladaasi.
Madaxweynaha Somaliland oo aysafarkiisan ku wehelinayeen Marwada koowaad Marwo Aamina Weris Maxamed Jirde,wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Mr:Maxamed Nuur Caraale (duur), WasiirkaWarfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam CabdiAadan, Wasiirka madax tooyada Xirsi XCali, Gudoomiye ku xigeenka WakiiladaMd: Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mr: Muuse BiixiCabdi, Wasiir kuxigeenka Wasaarada caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal MaxamedSaqadhi Dubad.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlayGodomiyaha gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, waxaanu sheegay inuu weftigauu hogaaminayo madaxweynuhu inuu si weyn usoo dhowaynayo.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay,wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Dr: Cabdi Aw Daahir Cali waxanuu sheegay inuu aad ugufaraxsan yahay safarkan uu madaxweynaha Somaliland ku marayo Gobolada barigawaxa kale oo uu sheegay wasiirku in uu madaxweynuhu diyaar u yahay inuu fuliyobalanqaadyadii uu hore u balanqaaday wakhtigii ololaha ee uu xisbiga KULMIYEguddoomiyaha ka ahaa.
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Wakiilada Somaliland,Md: Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bulshda GobolkaTogdheer uga mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha leh ee ay usameeyeenMadaxweynaha, waxa kale oo uu sheegayinay xukuumadu ku heelan tahay fulinta balan qaadyadii ay gashay waqtigiiololaha isla markaana ay uga hirgalin lahayd Gobolkan Togdheer mashaariic waxku ool ah.
Madaxweynaha Somaliland, Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanuugu horayn ugu mahadnaqay dadweynihii sida weyn usoo dhoweeyey, isagoo balamokalana dib u qaaday.
Madaxweyne Siillaanyo waxa uusheegay inay xukuumad ahaan wax ku darsan doonaan wadada la waddo ee iskuxidhaysa Burco iyo Hargeysa, kaas oo qaybteeda ka gaysan doono, waxa kale oo uubalanqaaday dugsiyo iyo goobo caafimaad oo loo samayn doono guud ahaan gobolkaTogdheer.
“ aad iyo aaad ayaan ugumahadnaqayaa sida diiranayd ee la igu soo dhoweeyey gobolkan, waxaanandadweynaha usoo dhoweeyey ugu mahadsanayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo.
“ waxa kale oo xukuumad ahaanqaybtayada ku darsan doonaa in wadada isku xidhaysa Burco iyo Hargeysaqaybtayada qaadano oo aan wax ku darsano” ayuu yidhi
Madaxweynuhu waxa kale oo uuxadhiga ka jiray Waddooyin cusub oo laga hirgaliyey magaalada Burco, waxa kaleoo uu iyana xadhiga ka jiray Dayr loo sameeyey xarunta Wakaalada Biyaha eeBurco.
Ugu dambayntii waxa uu socod kutagay cisbitaalka guud ee Cisbitaalka, kaas oo uu u koorgalayey xalaadacisbitaalka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uusafarkiisan ku soo maray gobolka Sool, isagoo khudbad ka soo jeediyeymagaalooyinka Laascaanood, Caynaba iyo qaar kamid ah tuulooyinka gobolka Sool
Barkhad-Ladiif M.Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.