Wajigii Labaad Siminaar looga hadlayay nabada iyo deriseynta oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho


Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed (UYS) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabatay Haween ka socday Ururada Bulshada wajiga labaad Siminaar halku dhigiisu ahaa sidee uga wada shaqeynaa nabadeynta loona xoojiyaa deriseynta, kaasoo ka dhacay Xarunta degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Siminaarkan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Wardhiigley iyo Gudiga Haweenka ee UYS ayaa waxaa ugu horeyn furtay Gudoomiyasha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed ahna Gudoomiyaha Gudiga Haweenka UYS.

Deeqo C/qaadir Axmed ayaa ugu horeyn ka hadashay muhiimada ay leedahay Nabada iyo sida looga baahan yahay in bulshada qeybaheeda kala duwan ay isugu xirnaadaan, waxaana ay lagama maarmaan ku tilmaamay in hadii aysan nabad jirin aanay nolol jireyn.

"Nabada ugu horeyn waxay ku timaadaa isku xir, deriseynta ayaana u ah sal, in degmooyinka ay isugu xirnaadaan waaxyo, tabeelooyin, markaas ayaa laga wada shaqeyn karaa nabada"ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed.

Sidoo kale Marwo Deeqo ayaa xustay in bulshada laga wacyi geliyo waxyaabaha xumaanta iyo nabadgalyo xumida, si loo helo bulsho is taageerta.


Xildhibaanad Duniya Maxamed Cali oo iyana ka hadashay siminaarka ayaa uga mahadceliysay Hey'adda UYS sida ay u garab taagan tahay Haweenka Soomaaliyed, siminaarada iyo wacyi gelinta ay sameyso, iyadoo cadeysay in Haweenka ay door ku leeyihiin nabadeynta iyo xasilinta dalka.

"Musiiba kasta haweenka ayay ku dhacdaa, hada maalin dhoweyd wiilkii is qarxiyay, iyo ardaydii uu laayay, Hooyo ayaa dhashay, maanta ma ahan in jiilka soo koraya la laayo, waxaana hooyooyinka ugu baaqeynaa in kooxaha nabad diidka ay ilmahooda kala soo baxaan"ayay tiri Xildhibaanada.

Sidoo kale Xildhibaanad Raabaco Sheekh Maxamed Ibraahim ayaa ka hadashay muhiimada xilligan ay leedahay in Dowladda lagu taageero ammaanka, lana garab galo, isla markaana hadaan iskaashi wada dhex marin bulshada iyo Dowladda aan waxba socon karin, iyadoo shacabka ugu baaqday inay nabada dhaliyaan.

Xildhibaanad Raabaco ayaa Haweenka ka codsatay inay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka, una soo gudbiyaan kooxaha amni darada wada, sida kuwa bambooyinka tuuraya iyo kuwa wax qarxinaya, si nabada loo adkeeyo

Sidoo kale Xaawo Cali Maxamuud oo ka mid ah Gudiga Haweenka ee UYS ayaa iyana tilmaamtay in is qarxinta iyo caruurta lagu marin habaabinayo inay naftooda haligaan ay tahay wax aan raad ku laheydn Diinta Islaamka.

"Diinta Islaamka raad kuma lahan is qarxin iyo inaad naftaada goyso, dhacdadii xanuunka badneyd ee Hargaha iyo Saamaha ka dhacday maalin dhoweyd, ma ahan wax Alle loogu dhawaanayo"ayay tiri Xaawo Kiin.


Carfoon Wehliye Siyaad ayaa soo qaadatay caruurta abaal marinta loo siinayo hubka iyo bambooyinka ay yihiin kuwo ay maskaxdooda ilmo tahay, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamtay bedelkii caruurta hadiyado iyo abaal marin farxad gelinaya la siin lahaa in la gudoonsiiyo waxyaabo uu umad ku galaafan karo.

Siminaarka oo ay si xamaasad leh haweenka uga qiiroonayeen dhacdadii Talaadadii hore ka dhacday, ayaa waxay mar qura u istaageen Calanka Soomaaliya oo ay cod dheer ugu luuqeeyeen, taasoo ay ku tilmaameen in Soomaaliya mid tahay, meelna uga soo wada jeestaan kuwa dhibaatada wada.

Waxaa kaloo Siminaarka hadalo ka jeediyay Raxmo Dahir Maxamed, Luul Warsame Guuleed iyo Faadumo Axmed Geeddi oo dhamaan ku nuux nuuxsaday in haweenka ay qaataan door ku aadan sidii nabada iyo deriseynta u xoojin lahaayeen.

Ugu dambeyn siminaarka wajigiisa labaad ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay soo dhoweeyeen in lagu qabto degmada Wardhiigley oo ka mid ah degmooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab.