Ciidamada ayaa saaka lagu arkayaa inta u dhexeysa degmooyinka B/xaawo iyo Mandheera, iyadoona ay ciidamadani ku qalabeysan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan, iyo weliba diyaarado nooca helicopterska ah, lamana oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan askartani isku dhafka ah ee ka kala socota wadamada Kenya iyo France.
Qaarkatirsan dadka ku dhaqan Degmada Mandera oo ay HOL ka wareysatayay ciidamada lasoo dhoobay xadka, ayay sheegeen in aysan garanayn ujeedada ka danbeysa askartan cusub ee xadka la keenay, balse waxa ay sheegeen in ay u maleynayaan in ay qeyb ka yihiin howlgallo ay ciidamada dalka Kenya ka wadaan qeybo katirsan dalka Soomaaliya oo ay ku baadi goobayaan haweeneydii dhawaan laga soo afduubtay Jaziiradda Lamu ee dalka Kenya.
Madaxweeynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa jimcadii aynu soo dhaafnay sheegay in dowladiisu aysan u samri doonin kooxa uu ku sheegay argagixiso ka timaada dhanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay dowladiisu qaadi doonto tallaabo ay ku soo badbaadinayso haweenkii dhawaan laga afduubtay gudaha dalka Kenya.
Ciidamadan cusub ee la keenay xadka dhanka gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli degmooyinka iyo deegaano katirsan gobolka J/hoose ay ku dulwareegayaan diyaarado nooca dagaalka ah oo ay leedahay dowladda Kenya, kuwaa oo la sheegay in ay baadigoob ugu jiraan halka lagu hayo haweeneydii laga soo afduubtay gudaha dalka Kenya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya