Bannaanbax looga horjeedo Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dadka badani ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay ayaa lagu qabtay maanta Muqdisho, waxaana ka qaybgalay madaxda DKMG ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Sheekh Shariif, ra'iisul wasaare C/weli Gaas, duqa Muqdisho iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Dibadbaxan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in dadka isku soo baxay ay aad uga careysan yihiin qaraxii lagu dilay ardayda badan iyo dadka kale ee shacabka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay wakaaladdii hore ee hargaha iyo saamaha uu ahaa mid aad u fool xun oo ay geysteen dad uu ku tilmaamay damiir laawayaal, isagoo sheegay in dowladdu ay qaadayso taallaabo ka dhan ah Al-shabaab.

"Wixii dhacay waxay ahaayeen wax aad u fool xun, waxaana geytay kuwo damiir laawayaal ah. Dadka Soomaaiyeed waxay soo mareen dhibaatooyin kala duwan, waxaa lagu dhibay magacyo kala duwan, balse dadka Soomaaliyeed maalinna ma moodayn in lagu dhibi doono diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu intaas raaciyay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo dadka Soomaaliyeed magaca diinta islaamka, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaska dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxaas.


"Hadday la tahay inay dadka cabsi geliyaan oo sidaas ay ku badbaadaan waa wax aan dhacayn, shacabkaan dhibaatooyin fara badan ayaa soo maray waxaa soo maray gumeysi waxaa soo maray dad kuwaan ka awood badn waana la iska kiciyay. Shabaab waa gumeysi cusub waana inaan iska kicinnaa," ayuu mar kale yiri, isagoo intaas raaciyay in shacabka inaan la cabsi gelin karin, ciddii isku daydana inay iyagu khasaaraha ku dambeyn doonaan.

Sheekh Shariif, wuxuu shacabkii dibadbaxaas kasoo qaybgalay u sheegay inaysan uga tagay dalkooda dad uu sheegay inay dalalkooda kasoo carareen, isagoo ugu dambeyn halkaas ka duceeyay.

"Dunuub fara badan ayaan galnay... qof-qofaan u galnay si guudna waan u galnay ee Ilaahow waan kuu toowbad keennay... Ilaahow ummaddaada dhibaatada haysata ka qaad, Ilaahow amni-darrada amni noogu badan, Ilaahow gaajada iyo abaaraha barwaaqo iyo dharag noogu badala... Ilaahow dadka diinta kuma wada fiicna waan ognahaye kuwa diintaada ku fiican naga dhig," ayuu kusoo afjaray khudbadiisa.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay inuu maanta ka qaybgalay dibadbaxan, isagoo sheegay in qaraxii ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid aad u fool xun oo laga naxo.

"Waxaan soo maray goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxaan ku arkay burbur aad u xooggan, waxaana qaraxaas lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo waxbarasho u socda, runtiina dilka dhallinyaradaas janno laguma galo," ayuu yiri C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, wasiirka garsooradda iyo cadaaladda DKMG ah ee Soomaaliya Ugaas Axmed Bile Gaboowe ayaa ka warbixiyay dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga, isagoo sheegay in lix qof oo ka mid ah ay xaaladdoodu aad u darnayd, basle ay hadda wanaagsan yihiin marka laga reebo hal gabar oo xaaladeedu ay aad u daran tahay weli.














Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya