
Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Soomaalidu waa Dad Boqolkiiba boqol Muslimiin ah oo dhaqan wanaagsan Alle ku ilhaamay aadna isugu gurmada, haddaba annagoo taa ka duulayna ayaan waxaan halkan kusoo bandhigayaa Aabbe Soomaaliyeed oo xaaladdiisa caafimaad wax looga qaban waayay gudaha dalka, kaasoo u baahan inuu helo naxariista RABBI iyo gurmad walaalihiisa Soomaaliya iyo kuwa muslimiinta ah.
Haddaba, Aabbe Maxamuud Cismaan Macallin Muxumud wuxuu muddo lix bilood ah sariir la saaran yahay dhaawac kasoo gaaray madaafiic kusoo dhacday suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo lagu quudiyo sariirta dusheeda, wuxuuna ahaa aabbe nolol maalmeedka caruurtiisa u soo dhacsan jiray.
Maxamuud Cismaan ayaa wuxuu ka dhaawacmay xangullada, taasoo keentay inuu noqdo sariir yaal aan awoodi karin inuu xitaa istaago. Sidoo kale waxay waxyeello kasoo gaartay neerfaha jirka, waxaana uu sheegay mar aan ku booqday gurigiisa oo ku yaala dagmada Shangaani in dareenka uu ka tagay qaybaha hoose ee jirkiisa isagoo laga dheehan karayay muuqiisa xanuunka aadka u daran.
Qayb hilibkiisa ka mid ah ayaa ku hara sariirta uu ku jiifo maalin walba, isagoo taas ku macneeyay inuusan dareemi karin hilibka ka go'aya, sababo la xiriira dareenka jirkiisa oo maqan.

Dhibane Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay in muddadani uu dhawaca yahay ay kaadida ka qaado tubo ku xiran xubintiisa taranka, waxuuna sheegay in mararka qaar uu ogaalka ka tago xanuunka haya aawgiis, isagoo sheegay in maalin walba ay caawiso xaaskiisa.
Ugu dambeyn, Aabbahan Soomaaliyeed ayaa dhalay sagaal caruur ah isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo cidkasta oo ka damqanaysa xanuunka haya inay kaalmo bini'aadanimo lasoo gaaraan wuxuuna yiri: "Waxaan u baahanahay naxariis Alle iyo gurmad walaal marka waxaan qof walba oo Soomaali ah ka codsanayaa inuusan igu eegan dhawacan aan la Jiifo."
Faaduma Ibraahim oo ah xaaska Maxamuud Cismaan ayaa sheegtay inay geeyeen inta badan isbitaalada magaalada Muqdisho hase ahaatee ay u sheegeen in dhaawaca uu qabo aan dalka waxba looga qaban karin. Iyadoo intaas ku dartay in saxarada iyo kaadida jiifka looga qaado waxayna raacisay inay u hayso caruur ay tiradoodu gaarayso sagaal oo da'doodu aad u yar tahay.
Sidoo kale Faadumo waxay intaa raacisay in caruurta yar-yar ay waxbarasho ugu dambeysay markii uu aabahood dhaawacmay wixii markaa ka dambeeyayna ay noloshoodu mugdi sii galaysay, iyadoo ka codsatay walaalaha Soomaaliyeed inay u gurmadaan ninkeeda dhibanaha ah sidii loo daweyn lahaa.
Hadaba ciddi doonaysa inay caawiso ama la xiriirto Maxamuud Cismaan waxay kala xiriiri kartaa taleefoonka lambarkiisu yahay: +252615595136 ama +252615205576 oo laga helo dhibanaha doonaya in la caawiyo.