
Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo bil ku dhow dalka ka maqnaa ayaa maanta dib ugu laabtay, waxaana ra'iisul wasaaruhu u ka warbixiyay safarro uu dhowr dal kusoo maray.
Wafdiga ra'iisul wasaaraha la socday ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiirka dekedaha, gaadiidka cirka, dhulka iyo badda Aadan Xaaji Aadan, ku xigeenkiisa C/raxmaan Dheere iyo afhayeenka xukuumadda C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), iyadoo ay wafdiga soo dhaweeyeen wasiirro ka tirsan xukuumadda KMG ah.
"Safarkeygu safar aad u dheer buu ahaa, waxaan markii hore tagay xarunta Qarammada Midoobay oo aan kaga qaybgalay shirkii guud ee golaha ammaanka, waxaana kaddib aaday shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah oo ka dhacay Denmark, intaas kaddibna waxaan booqasho ku tagay dalka Itoobiya oo aan hadda ka imid," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in kulammada oo dhan ay guul ku dhammaadeen, isagoo sheegay in Addis Ababa uu kula kulmay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iyo madax kale, ayna ka wada hadleen horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dadka dhibaatada ku haya geeska Afrika.

Intaas kaddib ayuu ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu kula kulmay garoonka wasiirka gaashaandhigga ee dalka Burundi Gajiyo Benge Bosyee isagoo sheegay inuu ku sugnaan doono dalka laba casho.
Dalka Burundi ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika hoostaga, waxaana wasiirka oo si kooban ula hadlay warbaahinta uu sheegay in Burundi ay diyaar u tahay inay ciidammo dheeraad ah keento Soomaaliya haddii loo baahdo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya