Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Aasaasihii shirkada Somaliland Cadastral Surveys (SCS) oo ah shirkad Somaliland u qaabilsan kala xadaynta beeraha ayaa wasiirka Beeraha ku eedeyey inuu hawshisii kala wareegay, isla markaana uu ku shaqaysanayo xogtii uu hore u ururiyey.
Aasaasaha shirkadan oo magaciisa la yidhaa John Drysdale ayaa muddo dheer dalka ku sugnaa, isla markaana madaxweynihii hore ee Somaliland Md: Maxamed X.Ibraahim Cigaal u ogolaaday inuu hawshaasi u qaabilsanadaado Somaliland.
John Drysdale ayaa dhowaan muslimay ka dibna la mabaxay magaca Cabbaas Idiris oo hadda loogu yeedho, waxaanu Cabaas Maanta mar aanu xafiiskiisa ku booqanay nooga waramay waxyaalaha uu ka cabanayo, waxaanu sheegay in hawshii ay dawladihii kala dambeeyey u xilsaareen lagala wareegay.
Ex;John Drysdale (Cabaas) isagoo ka hadlaya sidii uu dalka u yimid waxa uu yidhi " aniga waxa aan ka imid England, waxa la I odhan jiray Johon Drysdale, ka dib markii aan muslimay waxaan la baxay Cabaas Idiris, waxaanan ahay qof muslim ah."
Mar uu ka hadlayay heshiiskii ay kala saxeexdeen isaga iyo madaxweynihii hore waxa uu yidhi " anagu waxaan madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal kala saxeexanay inaan kala xadaynta beeraha Somaliland kala shaqeeyo, kaas oo khilaaf weyni ka taagnaa, isla markaana had iyo goor la isku dili jiray"ayuu yidhi Isaga oo ka waramay wakhtigii ay madaxweynaha kala saxeexdeen waxa uu yidhi " Madaxweynaha Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa 1998 kala saxeexanay heshiiskaasi aan beeraha iyo xog ururinta arrimahaasi, sidii ayaan u hawlgalay."
"Somaliland waxaan beeraha iyo kala xadayntooda ka shaqaynayey 14 sano, waxaan aan qortay mashruuc aan ku hawlgalayo oo aan kala saxeexanay hay’ada UNDP, kaas oo aan ilaa hadda waday." Ayuu yidhi, waxa uu intaas ku daray " xukumadan cusub gaar ahaan wasiirka Beeraha ayaa joojiye shaqadaydii isla markaana la wareegay Datadii anu ku shaqaynaynay, isagoo aan waxba nagawaydiin" ayuu yiri Waxa kale oo aanu arrintan wax ka waydiinay Cabdisalaan Qalinle Cismaan oo ka mid ah shaqaalihii ka hawlgali jiray hay’ada Cadastral ka, "Shirkadani waxa uu shaqaynayey 14 sano, mudadaas waxaanu ka shaqaynay waa beeraha Somaliland, shaqaale waxaanu ahayn ilaa 74 shaqaale ah oo ka hawlgala hay’adan" ayuu yiri.
"John Drysdale hore waxay dawladu u siisay diiwaangeliyaha Somaliland (Registration of Documents), anaguna shaqaalahayagu waxaanu tobabar qaadanaynay muddo laba sanno ah"ayuu yidhi Qalinle oo ka mid ah shaqaalaha shirkadan.
Labadan masuulba waxay sheegeen inay hawshan uu la wareegay wasiirka Beeraha Somaliland Md: Faarax Cilmi Geedoole, iyagoo sheegay in mashruucan loo dhiibay nin ay walaalo yihiin wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo magaciisa la yidhaa Maxamed Cali.
Dhinaca kale waxa isaguna Eedaas loo soo jeediyey iska difaacay wasiirka Beeraha Somaliland, Md: Faarax Cilmi Geedoole oo sheegay in aanay waxba ka jirin arrintan lagu eedeeyey, isla markaana ay shirkadani muddo gaabis ahayd, hawlihii loo igmaday aanay muddo waxba ka qaban, hay’adihii mashruuca maalgalin jirayna ay joojiyey maalgalintoodii..
"Mashuurcan kala xadaynta beeruhu wuxuu bilaabmay sanadkii 1997-kii wuxuuna socday muddo lagu qiyaasay afar iyo toban sano, mashruucaa waxaa maalgelinayay Hay’ada DENIDA inkasta oo markii hore bilawgiisii labada Hay’adood ee UNOPS iyo DRC ay maal gelinayeen hadana mashruucaa intiisa badan waxaa maalgelinaysay hay’ada DANIDA," ayuu yidhii Wasiirka Beeraha oo ka jawaabeyey eedii loo soo jeediyey.
Wasiirku isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi " U jeedadii mashruucan loo sameeyay waxay ahayd in wasaarada Beeraha Somaliland loo tababaro shaqaale xirfad u leh in ay yeeshaan awood ay ku kala xadeeyaan beeraha oo ah dhibaatada ugu badan ee wadanka ka taagan ee ah kala xadaynta madaha beeraha, isla markaana in uu mashruucaasi gaadho dadka beeralaayda ah ee loo kala xadaynayo beeraha in la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinkii beeraha."
"Mashruucii markaan ka codsaday Hay’adihii maal gelinayay in la noo furo hal shuruud ayay nagu xidheen, waxaanay yidhaahdeen mashruuca haddii wasaarada Beeruhu fulinayso oo ay awood u leedahay waanu furaynaa, balse haddii John drysdale in uu mashruuca fuliyo aad u dalbanaysaan ma furayno," ayuu wasiirku ku dooday.
Wasiirka Beeraha Md: Geedoole ayaa ku dooday inuu Cabaas Idiris (Ex:John Drysdale) uu daalay oo aanu hawshan ka bixi Karin, isla markaana cid kale ku shaqaysanayso, waxaanu sheegay inuu hadda u qoray mushahar ku filan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Cabaas Idiris ku doodaayaa in shirkadiisii laga dhacay isagoo aan wax ogolaanshiiyo ah laga qaadan. Cabaas idiris waa in reer UK ah, isla markaana qaatay dhalashada Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland