Abwaan Hadraawi oo cambaareeyay Qaraxii Muqdisho ka dhacay, baaqna u diray Xarakada Al-shabaab

Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Abawaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed ayaa cambaareeya weerarkii ay ku dhinteen 79-qof ee Salaasadii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, isagoo uga digay Al-shabaab inay xababdoodu qof walba disho.

Abwaan Hadraawi ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda KMG ah, isagoo sheegay in dadkii ku dhintay weerarka oo u badnaa arday ay tahay wax si aad ah looga naxo.

"Dhallinyarada Al-shabaab waxaan ku leeyahay oo nasteexo oo walaalnimo ah, haddaad cadow leedihiin shacabka jooga Muqdisho ma ahan cadowgiinna, waayo qofka intaanu xabbadu ridin waa inuu calaamadiyaa oo tilmaamaa cidda uu la dagalaamayo ee cadowgiisa ah, laakiin xabbadiinna iyo qorigiinna inay cid walba disho taasi waa mid kasoo horjeedda Islaamnimada iyo wada-dhalashada," ayuu yiri abwaan Hadraawi.

Abwaanku wuxuu isweydiiyay sababta ay u dagaalamayso Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in haddii ay tahay ujeedadu inay shacabka xukumaan loo baahan yahay inaysan dilin, isagoo yiri: "Aaway shacabka aad xukumaysaan miyaanay ahayn kuwa xabbadiinnu laynayso."

Sidoo kale, abwaanku wuxuu sheegay inaysan bannaaneyn in qofka muslimka ah aan xaq mooyeen wax kale lagu dili karin, wuxuuna ku boorriyay Xarakada Al-shabaab inay joojiyaan dilka dadka shacabka ah.

Abwaanku wuxuu intaas ku daray in Xarakada Al-shabaab ay yihiin culummo sida uu maqlay diintooda u dagaalamaya, isagoo ku boorriyay inay is-waafajiyaan waxay u dagaalamayaan iyo sharciga Islaamka, isagoo xusay inaysan bannaaneyn inay disho xabbadooda qof walba.

Mazxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya