
Talaado, November 29, 2011(HOL): Dood su’aalo badan lagu weydiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dooddaasna ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan oo madaxweynaha su’aalo weydiiyay.
Doodda oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda cilmi-baarista iyo wadatashiga CRD ayaa waxaa madaxweynaha lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan xalka mushkiladda Soomaaliya iyo taxanaha dhibaatada dhibaatada Soomaaliya.

Doodda oo uu qeybinayay Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsan Universal TV ayaa waxay ahayd mid socotay waqti dheer, waxaana sidoo kale ka qeybqaatay dad dibadaha ku nool oo emaillo ku soo gudbiyay su’aalaha ay Madaxweynaha u qabaan.![]()

Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 5aad
Isha Codadka Radio Muqdisho





Waxaa isku soo duway:
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]