Suudaan oo u yeeratay safiirkeedii Kenya , cayrisayna kii Kenya ka joogay dalkeeda

Sabti, November 26, 2011(HOL) Nairobi - Kenya - Dawlada Suudaan ayaa u qabatay in 72 sacadood uu dalkeeda uga baxo safiirkii Kenya u joogay waddankaas.

Waxaana Suudaan ay sidoo kale u yeeratay safiirkeedii ka joogay Kenya.

Xiriirka labada dal ayaa gaaray meeshii ugu xumayd markii ay Kenya u jartay warqad lagu soo xirayo madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Albashiir, hadii uu dalkeeda yimaado.

Suudaan ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada ay qaaday Kenya oo noqonaysa waddankii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo warqad lagu soo xirayo u jara madaxweynaha dalka Suudaan oo ay raadinayso maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Waxaana warqada Kenya ay u jartay Albashiir ay ka hor imaanaysaa go'aankii midowga Afrika uu ku diiday in la xiro madaxweynaha Suudaan.

Dawlada Kenya ayaa tan iyo markii ay dagaalka la gashay Alshabaab isku dayaysay inay u dhawaato dhanka reer galbeedka iyo Israel si ay taageero ugu hesho galitaankeeda Soomaaliya.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya