Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay xayiraadda ay Al-shabaab kusoo rogtay hay'adaha gargaarka

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyay go'aankii ay Al-shabaab howlaha kaga joojisay 16 hay'adood oo kuwa gargaarka ah, kuwaasoo ay ku jiraan shan ka mid ah hay'adaha Qarammada Midoobay.

Warsaxaafadeed maanta oo Talaado ah kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in xayiraaddan ay tahay ceeb ah iyo ficil ka hor-imaanaya howlaha bani'aadamnimo, isagoo sidoo kale xadgudub ku tilmaamay in lala wareego xarumaha hay'adaas lana qaato qalabkooda.

"Waa fal aan aad uga murugooday, balse ma ahan wax lala yaabo in Al-shabaab ay sheegaan inay howlihii ka joojiyeen hay'adaha gargaarka iyadoo malaayiin qof ay u baahan yihiin kaalmo caalami ah dalkana ay ka taagan yihiin xaalado bani'aadamnimo oo aad u daran," ayuu Shariif ku sheegay warsaxaafadeedka uu soo saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in falkan uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed aan wax shaki ah ka gelinayn in Al-shabaab ay yihiin cadowga dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in xukuumadda KMG ah, beesha caalamka iyo hay'adaha gargaarka ay ku guuleysteen inay caawiyaan dadkii Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

"Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay u midoobaan sidii looga adkaan lahaa kooxdan argagaxisada ah ee doonaya inay burburiyaan nolosha malaayiin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay 16 haya'adood oo kuwa gargaarka ka joojisay shalay inay ka shaqeeyaan goobaha ay ka taliso, kaddib markii ay ha'yadahaas ku eedeyeen jaajuusnimo iyo inay wakiillo u yihiin kaniisado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya