Qaramada Midoobay oo cambaareysay go'aankii Al-shabaab ay ku xirtay hay'ado gargaar kulana wareegtay xarumahoodii


Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa si adag u cambaareeyay go'aankii ay Al-shabaab shaqooyinka uga joojisay 16-hayadood oo kuwa gargaarka ah, ayna kula wareegtay xarumihii ay ku lahaayeen gobollada ay ka taliyaan.

Al-shabaab ayaa shalay waxay ka joojisay howlihii ay ka hayeen gobollada ay ka taliyaan 16-hay'adood oo kuwa gargaarka ah, kuwaasoo shan ka mid ah ay yihiin kuwa Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale ku jiray hay'ad Soomaaliya laga maamulo.

"Xoghayaha guud wuxuu si adag u cambaareynayaa go'aankii Al-shabaab ay kaga joojisay howlahii ay bulshada u hayeen 16 hay'adood oo kuwa samofalka ah iyo la wareegidii ay la wareegtay xarumahoodii iyo qalabkii yaallay," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ban oo afhayeenaddiisa ay saxaafadda u akhrisay.

Mr. Ki-Moon wuxuu sheegay in hay'adahaas ay ahaayeen kuwo ka shaqeynayay inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in tallaabadan ay ka horimaanayso in dadka dhibaateysan la caawiyo.

"Dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya waa inay xushmeeyaan sharciyada hay'adaha caalamiga ah ee samofalka ka shaqeynaya," ayuu Ki-Moon ku sheegay qoraalka uu soo saaray Isniintii shalay.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku eedeysay hay'adahan inay faraha kula jireen howlo basaasnimo ah, qaarkood ay adeegsanayeen tira-koobyo been abuur ah oo ay dadka ugu sheegayeen in laga horyimaado Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya