Kooxo hubeysan oo xalay nin Ganacsade ah ku dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe nin ganacsade ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ganacasdaha la dilay oo lagu magacaabo jiray, Ooyaaye Sheekh Cali ay toogteen rag wajiga qarsaday oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo ka baxsaday goobtii ay ku dileen ganacsadaha.

"Dilka ganacsaduhu wuxuu ka dhacay xaafadda Ceel-geelle, waxaana geystay rag ku hubeysnaa bastoolado oo wajiga maryo ku xirtay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas oo la hadlya warbaahinta.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka Xarakada Al-shabaab ee ka taliya degmada Balcad ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in falkan dilka ah uu cabsi weyn geliyay dadka ku nool halkaas.

Degmada Balcad ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo sannadkan bartamihiisa ay maamulka degmadaas ku xayireen halkaas wasiiraddii haweenka iyo arrimaha qoyska Caasho Caqiil, iyadoo xilkaas lagu wareejiyay haweeney kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya