Ururada Bulshada Rayidka ah oo taageeray qorshaha Roadmap-ka ee lagu gaaray shirkii ka dhacay Muqdisho

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Xafiiska Qarammada Midoobay u qaablisan siyaasadda ee UNPOS ayaa sheegtay in ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ay taageereen qorshaha khariidadda nabadda (Roadmap) ee lagu gaaray heshiiskii September ka dhacay Muqdisho.

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in ururrada bulshada rayidka ay Roadmap-ka ku taageereen shir ka dhacay Muqdisho 26 - 28-kii bishan November, kaasoo ay ka qaybgaleen 60 xubnood oo isugu jiray hoggaamiyeyaasha diinta, hoggaamiyeyaasha beelaha, ganacastada, qurbo-joogta iyo ururrada dhallinyarada iyo kuwa haweenka.

"Bulshada rayidka waa buundada isku xirta qaybaha siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Awooddu gacmihiinna ayay ku jirtaa - na caawiya," ayuu yiri danjire Augustine Mahiga oo ah wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.


Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu sheegay inay bulshada rayidka ah si buuxda u taageereen qorshaha Roadmap-ka, ayna diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan fulinta qorshahan.

"Waxay ogolaadeen bulshada rayidka ah inay la shaqeeyaan hay'adaha dowladda KMG ah, maamullada dalka ka jira iyo Ahlusunna si loo meel mariyo qorshaha khariidadda nabadda," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkii maalmihii lasoo dhacayay Muqdisho ayaa looga hadlay intiisa badan sidii lagu meel-marin lahaa qorshaha khariidadda nabadda, iyadoo ay bulshada rayidka ah markii ugu horreysay ka qaybgaleen shir looga hadlayo fulinta Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya