
Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Waxgaradka Muqdisho ayaa kasoo horjeestay shirkii Qaramada Midoobay ay soo qabanqaabisay ee shalay lagu soo gabgabeeyay Muqdisho, kaddib markii ay shalay soo gabagabeeyeen shir waxgaradka u socday muddo saddex maalmood ah.
Guddoomiyaha gole odayaasha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad oo gabgabadii shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay shirka u arkaan mid aysan dani ugu jirin Soomaalida, sidaa daraadeedna aysan kasoo horjeedaan.
"Shirka waa mid aan dan u ahayn Soomaalida, waayo laguma saleyn qaababkii lagu saleyn jiray shirarkii hore ee dalka ka dhici jiray," ayuu yiri Maxamed Xaad oo ku sheegay qaababkaas inay ka mid yihiin in lagu saleeyo qaab beeleed iyo in lagu saleeyo qaab deegaan.
Maxamed Xaad ayaa sheegay in dhowr jeer la kulmeen danjire Mahiga ayna kala hadleen qabashada shirka, iyagoo sheegay in taas uu iska dhego-tiray iyaguna ay go'aansadeen inay qabtaan si ay arrintaas uga soo horjeedaan.
Kulanka ka dhacay Muqdisho ee ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay ayaa waxaa ka qaybgalay maamulllada dalka ka jira qaarkood sida: Puntland, Galmudug, Ahlusunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ah, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Gababadii shirka oo ay ka hadleen madax uu ka mid yahay madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa waxaa lagu go'aamiyay in la meel-mariyo qorshaha khariidadda nabadda oo ka kooban afar qodob oo waaweyn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya