Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Dagaal aad culus islamarkaasina sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa deegaanka Far-barwaaqo ee gobbalka Gedo ku dhexmaray xarakada Al-shabaab iyo ururka Ahlusunna Waljameeca ee gobolkaasi Gedo.
Inta la ogyahay ilaa afar qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacantahay, kuwaa oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay iyo weliba dad rayid ah.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayay in uu yimid kagadaal markii xoogaga Ahlusunna ay weerar ku qaadeen fariisin ay dagaalyahanno katirsan Alshabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Far-barwaaqo, taasoo keentay in uu halkaasi ka dhaco iska horimaad xooggan.
Culumaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii shalay, waxaana ay xuseen in ay Jab xooggan u geysteen xoogag katirsan Alshabaab oo ay dagaalka ku qaadeen.
Afhayeenka Ahlusunna Waljameeca ee gobollada Koonfureed Sheekh Max'ed Xuseen Al-qaadi oo faahfaahin ka bixinayay dagaalkii shalay ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay, waxaana uu sheegay in dagaalku ay iyagu qaadeen.
Sheekh Al-qaadi ayaa sheegay in ay qorsheynayaan dagaal kama danbeys ah oo ay gobolka Gedo kaga nadiifinayaan xoogaga Alshabaab oo iyagu ka arimiya qeybo katirsan gobolkaasi.
Dhinaca kale ma jiraan ilaa imika wax faahfaahin ku saabsan dagaalkii shalay oo kasoo baxay xarakada Alshabaab, waxaana uu dagaalkani kusoobeegmayaa xilli ay inta badan gobollada dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin colaadeed, kuwaasoo sababay in kumannaan dad ah ay ka qaxaan guryahoodii, mana jiraan ilaa imika saansaan nabadeed oo muuqata, iyadoona guud ahaan dalka ay ka soconayaan abaabullo dagaallo oo hor leh, waxaana dad badani ay ka deyrinayaan mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ee iyagu wehelka u noqday dagaallo iyo qax aan dhamaad lahayn.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya