Wefti ka socda Q/Midoobay oo booqday Hargeisa (SAWIRRO)


Talaado, 29 March 2011 (HOL)- Wefti ka socda Xafiiska la-dagaallanka maandooriyayaasha iyo dembiyada  ee Qaramada Midoobay (UNODC) oo uu hoggaaminayo Agaasimaha fulinta ee Xafiiskaas Yury Fedotov, isla markaana ay xubno ka yihiin Safiirka Dawladda Sychelles u fadhiya dalka Koonfur Afrika iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xafiiskaas.

 

Weftigan oo ka koobnaa Masuliyiinta sarsare ee Xafiiska la-dagaallanka Maandooriyayaasha iyo dembiyada ee Qaramada Midoobay iyo Safiirka Dawladda Sychelles u fadhiya dalka Koonfurta Afrika, ayaa ka dib markii ay kormeereen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa, waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu Agaasimaha fulinta ee Xafiiskaas Yury Fedotov uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay Somaliland ugala shaqayn lahaayeen arrimaha Budhcad-Badeedda iyo sidoo kale habaynta Sharciyadda iyo Garsoorka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin la-dagaallanka Budhcad-Badeedda, isla markaana ay horeba u xidheen Budhcad-Badeed Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay in ay Maxkamad soo taageen oo si sharci ah loo xukumay.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in Somaliland laga taageero dhismaha Cidamada ILaalada Xeebaha Somaliland.

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland