Dowladda Soomaaliya oo uga digtay ciidamada dowladda inay hub la dhex-maraan magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) – Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah Muqdisho ugu qabteen maanta oo Talaado ah ku simaha taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya Jen. Nuur Maxamed Maxamuud (Nuur Shirbow) iyo afhayeenka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayay sheegay in askari ka tirsan ciidamada DKMG ah uusan hub ku dhex-qaadan karin degmoooyinka gobolka Banaadir ee ay dowladdu ka taliso.

"Wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo cid walba oo isku soo ekeysiisa aysan hub ku dhex-qaadan karin magaalada Muqdisho," ayay Jen. Nuur Shirbow iyo Col. Bariise ku sheegeen shirkooda jaraa'id.

Saraakiishan ayaa intaas ku daray in askarigii lagu qabto isagoo hub sharci-darro ah ku wata degmooyinka magaalada Muqdisho ee ay dowladdu gacanta ku hayso laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sidoo kalena lagala wareegi doono qoriga uu wato.

Jen. Nuur Shirbow iyo Col. Bariise ayaa sidoo kale sheegay in DKMG ay diyaarisay ciidan roondooyin ku sameynaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo laba gaadiidka dagaalka ah wata, si loo sugo ammaanka degmooyinka ay dowladdu ka taliso.

Dhanka kale, saraakiishan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale la diyaariyay laba gaari oo nooca ambalaasyada ah, kuwaasoo loogu talogalay inay qaadaan dhaawacyada shacabka kasoo gaara dagaallada ka socda Muqdisho.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ambalaasyada ka shaqeeya Muqdisho ee lagu qaado dadka dhaawacyadu kasoo gaaraan dagaallada ay iskasoo diiwaan-geliyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka si dhaqdhaqaaqyadooda loola socdo ayna u wataan howlaha ay bulshada u hayaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay DKMG ah soo saartay amar looga mamnuucayo ciidamada DKMG ah inay hub ku dhex qaataan degmooyinka ay ka taliso dowladda, iyadoo amarradaas hore aysan dhaqangelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya