Guddoomiyaha deegaanka Dhoobley Sheekh Maxamed Xaaji (Abuu-sacad) oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabkii ka qaxay deegaanka dhoobley in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, isagoona xusay in xasiloonida magaalada Dhoobley ay haatan tahay mid la isku haleyn karo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu deegaanka dhoobley dagaal culusi ku dhex maray xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Ciidamo taabacsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaa oo uu tababar ugu soo dhamaaday gudaha dalka Kenya.
Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka dhoobley ayaa iyagu u barakacay deegaanada Qooqaani, Afmadow, iyo deegaano kale oo katirsan gobollada J/hoose iyo J/dhexe, waxaana ay arintani timid ka gadaal markii ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan dhanka xadka Kenya ay duqeymo ba’ani ka geysteen Magaalo xuduudeedka dhoobley ee gobolka J/hoose.
Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya