Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay soohdinta ay wadaagaan Zimbabwe iyo Musambiik

Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan tahriibayaal Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay aroornimadii hore ee saakay soohdinta ay wadaagaan dalalka Zimbabwe iyo Musambiik, waxaana ku dhaawacmay shilkaas toddoba qof oo kale.

Shilkan ayaa ka dhacay deeegaanno xiga dhinaca dalka Zimbabwe, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay shilkaas oo qaarkood ay xaaladdoodu darnayd loola cararay isbitaallo ku yaalla dhinaca dalka Musambiik, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii shilkaas ka badbaaday.

Baabuurka ay la socdeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu jidka ka baxay dabadeedna uu rogmaday, taasoo keentay inay dad badan ku dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmaan, inkastoo ay dhowr qaf oo baabuurka la socday ay ka badbaadeen shilka.

Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee la socday gaariga gadoomay ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen dalka Musambiik ayna ku socdeen dalka Zimbabwe iyagoo doonayay inay uga sii gudbaan dalka Koonfur Afrika.

Dowladaha Musambiik iyo Zimababwe ayaan ka hadlin shilka ka dhacay soohdinta ay labadooda dal wadaagaan, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo shilal gaadiid oo ka dhacay dalalkaas ay ku dhintaan Soomaali tahriib doon ah.

Shilkan baabuur ee khasaaraha nafeed sababay ayaa imaanaya iyadoo booliiska dalka Zimbabwe ay toddobaadkii ku qabteen gobol bartamaha dalkaas ku yaalla 14-qof oo Soomaali ah iyo saddex u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyay inay dadka u tahriibiyaan dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya