Xiisad wali ka taagan duleedka degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kaddib dagaal shalay ka dhacay

Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) Xoogaga xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Dooxada Shabelle ayaa wali isku horfadhiya deegaanno aan sidaa uga fogeyn deegaannka Ceel-gaal oo maalintii shalay dagaal ku dhaxmaray labada dhinac.

Dagaallka maalintii shalay dhacay ayaa ka danbeeyay kadib markii xoogagga xarrakada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen deegaannka lagu magacaabo Ilka-cado xoogagga taabacsan maamulka Dooxada Shabelle, waxaana uu dagaallkaasi sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii uu dhaxmaray.

Afhayeen u hadllay xoogagga xarrakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallka, halka dhinaca Dooxada Shabelle iyaguna sheegeen in dhinacooda guulo ka gaareen dagaallkii dhacay maalintii shalay.

Inkastoo maanta xaaladu u muuqto mid degan ayaa haddana wali goobaha leysku hor fadhiyo waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka socda labada dhinac, waxaana mar walba la filan karaa dagaal mar kale dhaxmara garabyada iska soo horjeeda.

Ma'aha markii ugu horeysay oo xoogagga xarrakada Al-shabaab iyo kuwa maamulka Dooxada Shabelle ku dagaalamaan dulaadka Beledweyne, gaar ahaan aaga Ceel-gaal, waxaana xusid mudan in dhinac walba uu guul sheegto marka ay ka hadllayaan dagaallada dhaxmara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya