Dad Gobolka Togdheer ugu dhintay Abaar

 
Talaado, 29 March, 2011 (HOL)- Abaaraha ka jira Gobolka Togdheer ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xogaysanayaa iyadoo ay dhamaan abaaraha ka jiraan guud ahaan  gobalada Somaliland oo dhan. Abaartani baahsan ayaa iyadu dhamaanba saamayn xoogan  ku yeelatay bulsho weynta ku dhaqan miyiga iyo magaaladaba .

 

Dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyaha gobalka togdheer yasiin muxumed cabdi ka hadlay dhibaatada abaarta ee ka jirta gobalkani togdheei ayaa Xaqiiqijiyay in inta lahubo 4qof ay Ugu Dhinteen gaajo iyo haraad Deegaamada Abaartu ka jirto ee Woqooyiga Gobolka Togdheer.

 

Dadka dhintay ayaa kal ah laba haweena iyo  laba nin ah  kuwaasi oo  ku geeriyooday Deegaamada Carma iyo Madaxyalay oo ku yaala inta u dhexeeya Gobolda Togdheer iyo  Saaxil oo ah dhul buuralay ah.

 

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed  Cabdi oo arintani abaarta ka jirta degaamada gobalka togdheer maalintii shalay ahayd  mar uu deeq raashin ah oo hayada Bisha cas ee imaaradku soo gaadhsiisay Maamulka Gobolka Togdheer ku wareejinayay Gudoomiyayaasha 10 Degmo oo ka mid ah Gobolka togdheer ayaa sheegay inay haatan marayso abaarta ka jirta Gobolka Togdheer meeshii ugu xumayd taasi oo hadii aan la kaalmayn dadka ku dhaqan Deegamada Abaaraysan ay soo waajihidoonto xaalada baniaadanimo oo aad u xumi ama u darani

 

Gudoomiyuhu waxa uu ka codsaday Xukuumada Somaliland,Ganacsatada iyo hayadaha Caalamiga ahba inay kaalmo la soo gaadhaan dadka ku abaaraysan Gobolka Togdheer.

 

Tan iyo waqtigii ay bilaabantay abaarta xun ee ka jirta Gobolka Togdheer iyo gobolada kale Somalilandba aya waxaa isasoo tarayay baaqyada iyo qayladhaana ku wajahan dhulka ay ka jiraan abaaraha xunxuni.

 

Magaalada Burco ee Maagaalo madaxda Gobolka Togdheer ayaa si weyn looga dareemaya abaarta jirta iyadoo si-xad-dhaaf ah  ay booyadaha biyo dhaamiska wadaa uga dhexshaqaynayaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

 

Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online

[email protected]

Burco, Somaliland