Madaxweynaha Galmudug oo ardayda Jaamacadda Gaalkacyo ka codsaday inay wacyigeliyaan dableyda (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) – Madaxweyne Galmudug Maxamed Axmad Caalin oo hadal ka jeediyay xaflad lusoo bandhigayay 25-kumbiyuutar oo looguna talo-galay inay wax-ku-bartaan ardayda kulliyadaha Jaamacadda Gaalkacyo (GU) ayuu ku sheegay kaga codsaday maamulka ardayda Jaamacaddaas dhigta inay waqtina wax-bartaan waqtiga kalena ay wacyigelin u sameeyaan dhallinyarada hubeysan.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad dhallinyarada walaalihiin ah ee doonaya inay qoriga wax ku dhibaateeyaan aad ka waanisaan xumaantaas, kuna dhiirrigelisaan inay joojiyaan isbaarooyinka iyo waxyeelleynta shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri mudane Caalin oo la hadlayay ardayda jaamacadda Gaalkacyo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda iyo maamulka jaamacadda isagoo ku ammaanay gurmadka ay u sameeyeen dadka abaaruhu ay ku haystaan deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.


Xafladda oo ay ka qayb-galeen wasiirro, aqoon-yahanno, xubno uu ka mid ahaa Jen. C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre) iyo dadweyne kale ayaa waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysay oo la xiriirta waxbarashada kala duwan ee jaamacadda ka jeediyay guddoomiyaha jaamacadda Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac.

"Jaamacaddu waxay ka kooban tahay dhowr kulliyadood oo ay ka mid yihiin: kulliyadda daawada iyo kalkaaliyeyaasha, kulliyadda macallimiinta, kulliyadda kumbiyuurtar sayniska, machadka tayaynta waxbarashada iyo machadka luuqadaha, waxaana jaamacadda wax-ka-barta jaamacadda subax, galab iyo habeen 166-arday," ayuu yiri Prof. Shirwac.

Hormuudka jaamacadda Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in jaamacaddu ay xiriir la leedahay jaamacado iyo kulliyado kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin jaamacad ku taalla dalka Kenya oo lagu magacaabo GENCO.



Cilmi Kulan Geeddi
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya