Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) – Nabadoonada gobolka Bari ayaa canbaareeyay dil habeenkii xalay ahaa magaalada Bosaaso loogu gaystay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolka oo lagu magacaabi jiray Axmed Saalad Caynab.
"Aad ayaan uga xunahay in la dillo dadkii indhaha u ahaa bulshada waana canbaaraynaynaa "ayuu yiri Nabadoon C/qaadir Axmed oo warbaahinta la hadlay. Waxaa kaloo nabadoonka uu Puntland ku eedeeyay in ay ka mashquulsantahay sugidda ammaanka dadka wax garadka ah ,isagoo intaa ku daray in ay ka jawaabi doonaan dilka nabadoonka.
"Nabadoonadu waxey tacsi u dirayaan ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday nabadoon Axmed "ayuu hadalkiisa ku daray,isagoo ka digay in la dhibaateeyo dadka wax-garadka ah. Sidoo kale nabadoon C/qaadir Xarago ayaa sheegay in ay diyaariyaan dibad bax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo dilalka loo gaysanayo waxgaradka.
Nabadoonka xalay la dilay ayaa caan ka ahaa gobolka Bari,lamana garanayo sababta rasmiga ah ee ka danbaysa dilkiisa,waxaana jira warar is khilaafsan oo arintaa ka soo baxaya.
Maamulka gobolka ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arinta dhacday ,waxaana kooxihii dilka nabadoonka fuliyay ay ka baxsadeen goobta ,inkastoo markii danbe ay howlgallo halkaa ka fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa degmada Bosaaso.
Maamulka gobolka ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arinta dhacday ,waxaana kooxihii dilka nabadoonka fuliyay ay ka baxsadeen goobta ,inkastoo markii danbe ay howlgallo halkaa ka fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa degmada Bosaaso.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya