Kulan lagu taageerayay Xukuumadda Ra’iisal wasaare Farmaajo oo Borlänge lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, 12 June 2011(HOL): Kulankan Siyaasiyiinta, Aqoonyahnka iyo Odayaasha magaalada Borlänge ayaa waxaa ujeedkiisa uu ahaa labo arrimood oo kala ah (1) in tacsi loo diro qoyskii ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/shakuur Shiikh Xasan Faarax iyo in taageero loo fidiyo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo.

 

Kulanka waxaa ka hadlay Xuseen Axmed Qoyste (Xuseen Aabi) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii Carta, wuxuuna sheegay in ay marka hore tacsi u dirayaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday C/shakuur Xasan Faarax oo ka mid ahaa Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ee hadda jirta.

 

Kaddib wuxuu ka hadlay Xuseen Aabi khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo heshiis la sheegay in ay madaxda dowladda qaarkeed Kampala ku gaareen, kaasi oo qodobadiisa uu ku jiray qodob ah in Hay’adaha Dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya loo kordhiyo muddo sanad ah.

 


“Heshiiskii Kampala wuxuu ahaa mid baadil ah, wuxuuna hareer marsanaa Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Xuseen Axmed Qoyste oo sheegay in lagu xadgudbay 71ka qodob ee Axdiga u ah Hay’adaha Dowladda KMG ah.

 

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Xukuumadda Farmaajo wuxuuna sheegay in ay wax badan qabatay Xukuumadda, wuxuuna caddeeyay in ay wax laga xumaado tahay in markii Xukuumadda la taageeri lahaa laga hor-yimid, taasina waxay muujineysaa in aan la dooneynin xal arrimaha Soomaaliya laga gaaro.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay siyaasiyiin iyo odayaal ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Muusiko (Macallin Fanax), Guddoomiyaha Hornafrik Kaltur Center C/qaadir Shiikh Axmed Cagma-dhige, Muuse Macallin Dhiilow, Madaxweynaha Jubbaland State Maxamed Deeq Cabdi Madar iyo Garaad Maxamed Saalax Cabdi Aw-Cilmi, waxayna dhamaantood sheegeen in ay ka xun yihiin qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/shakuur Xasan Faarax.

 


Sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen oo ay taageereen Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo ay sheegeen in ay tahay Xukuumaddii ugu horreysay oo waxqabad la taaban karo ka sameysay Soomaaliya, ayna xubno ka yihiin Wasiirro aqoonyahanno ah oo intooda badan dalka dibaddiisa ka yimid.

 

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa muddo aan badneyd oo ay jirto waxay ku qabtay waxyaabo badan oo aaney qaban xukuumadihii ka horreeyay, waxaana waxqabadkaas ka mid ah in ay xuquuqdooda mushaar, gunno iyo caafimaad siisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo uu dayac badan ka muuqday, sidoo kalena waxay dib u soo ceshatay goobo badan oo ay gacan-ku-heyntooda kala wareegtay Xarakada Al-Shabaab.









Xasan Liisho

[email protected]

Borlänge, Sweden