Dowladda Soomaailya oo sheegtay inay dishay hoggaamiyihii Urur-weynaha Al-Qaacida ee bariga Afrika


Fazul Cabdalla Maxamed, hoggaamiyiha Al-Qaacida ee bariga Afrika
Axad, June 12, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed ay dowladda KMG ah soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamadeeda ku sugan Ex-koontarool Afgooye ay dileen Arbacadii lasoo dhaafay hoggaamiyihii Al-Qaacida ee bariga Afrika Fazul Cabdalla Maxamed.

"Fazul dilkiisa wuxuu dhacay markii ciidamada DKMG ah ee ku sugan Ex-koontarool Afgoye ay joojiyeen gaari Toyota ah oo ay isaga iyo ruux kale wateen, markiiba waxay bilaabeen inay dagaalamaan, markaasoo la dilay isaga iyo ruuxii la socday," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay dowladdu soo saartay.

Dowladda KMG ah ayaa sheegay in baaritaan DNA ah oo la sameeyay lagu ogaaday in ruux la dilay uu ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee bariga Afrika, iyadoo DKMG ah ay sheegtay inay gaarigii uu watay ka heleen qalab kala duwan iyo lacag dollar ah oo aad u fara badan .

"Baasaboorka uu watay Fazul wuxuu muujinayaa inuu 19-kii Maarso ee sanadkan kasoo safray dalka Koonfur Afrika uuna maalinkii xigtay dal-ku-gal rasmi ah ku tagay magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo kaddibna safar dhulka ama badda ah kusoo galay Soomaaliya," ayay DKMG ah ku sheegtay qoraalka ay soo saartay.

Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay in Fazul Cabdalla uu watay baasaboor South Afrikaan ah ayna ka muuqdaan dhammaan dariiqyadii uu soo maray. DKMG ah waxay sidoo kale sheegtay inay ka heshay gaarigii uu watay Fazul dukumiintiyo kale oo ay ka mid yihiin warqado uu ku saxiixan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dowladda Mareykanka oo horay u sheegtay in Fazul Cabdalla uu mas'uul ka ahaa weerarkii 1988-kii lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Darusalem oo lagu dilay 224-qof ayaa soo dhaweeyay dilkiisa, waxayna dilkiisa ku sheegeen inuu dhabarjab ku yahay Al-Qaacida.

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar toos ah iyo mid duqeyn ah oo ay Soomaaliya ka fuliyeen ku dilay sannadihii 2007 iyo 2009 laba hoggaamiye oo ka tirsanaa Al-Qaacida kuwaasoo kala ahaa: Abu-dalxa Al-sudani iyo Saalax Cali Nabhaan.

Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ka talisa inta badan Soomaaliya ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay dowladda KMG ah ee lagu sheegay in la dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida ee bariga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidsho, Soomaaliya