"Guddiga amniga gobolka waxa ay isla garteen in isbadal lagu sameeyo halka laga soo galo Gaalkacyo, sababtoo ah aad ayey u kortay magaalada shantii sano ee ugu danbaysay," ayuu yiri gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan halkaasi.
Daahir Maxamuud Muuse ayaa sheegay in ciidanka amniga ay gacanta ku dhigeen baabuur badan oo doonayay in ay waxyeeleeyaan amniga degmada oo ay ka dhaceen asbuucan gudihiisa weerarro kala duwan oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda dhinacyada waqooyiga iyo Koonfurta.
Mar uu ka hadlayay koontoroolka cusub ee maamulka uu dhagax-dhigay ayaa sheegay in uu wax badan kaga duwan yahay kii hore, isla markaana uu leeyahay adeegyo badan oo loo qabanayo qaybaha bulshada ee isticmaalaysa,isagoo si gaar ah uga hadlay arimaha canshuuraha.
"Wax badan ayuu kaga duwan yahay kan hadda la isticmaallo waqti dhowna ayaa loo wareegayaa, isagoo qayb ka ah qorshaha guddiga amniga ee gobolka," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo ku baaqay in booliska la caawiyo si loo qabto dad uu sheegay in amniga ay wax u dhimayaan.
Dhinaca kale waxaa maalintii afaraad ka socda waqooyiga Gaalkacyo howlgallo amni sugid ah iyo shirar joogto ah oo ay qaadanayaan maamulka degmada iyo qaybaha bulshada, kuwaasoo looga hadlayo sidii ay iskaashi u samayn lahaayeen maamulka iyo qaybaha waxgaradka.
Isbadalkan cusub ee maamulku uu sameeyay ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay jiraan xiisado colaadeed oo waqti kasta dhici kara, taasoo baryahan danbe isku badashay weerarro gaadmo ah oo loo gaysanayo goobaha ay ku badanyihiin rayidka labada dhinac ee Puntland iyo Gal-Mudug.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya