Axad, June 12, 2011 (HOL) – Askari katirsan xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo ayaa shalay gelinkii danbe kudilay gudaha magaalada Kismaayo qof rayid ah kadib markii uu rasaas ku furay goob uu buuq ka jiray oo ay isugu soo baxeen dadweeyne fara badan isagoo doonayay in uu ku kala ceyriyo rasaasta balse ay haleeshey mid kamid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.
Ciidamada amaanka maamulka xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo ayaa islamarkiiba xabsiga u taxaabay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa waxaana saraakiisha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ay sheegeen in ay maxkamad soo taagi doonaan askarigaasi slamarkaasina la marsiin doono waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.
Ehelladii marxuumka geeriyooday oo HOL u warmayay ayaa sheegay in ay aad uga xunyahiin geerida ku timid wiilkooda, waxaana ay sheegeen in ay ku kalsoonyihiin in shareecada islaamka la marsiin doono askariga uu gacantiisa sababsaday wiilkooda.
Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Gaabow, waxaana uu kamid ahaa dadka ku shaqeeysta farsamada dhismayaasha guryaha.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya