Hay'adda CCD oo aqoon-isweydaarsi ugu qabtay Muqdisho qaar ka mid ah culummaa'udiinka Ahlusunna (SAWIRRO)


Axad, June 12, 2011 (HOL) – Aqoon-isweydaarsi ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa 100 ruux oo ka tirsan Culumaa'udiinka Ahlusunna waxaa maanta loogu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid looga hadlayay xaalada dalka uu marayo.

Furitaankii aqoon-isweydaarsiga ayaa lagu billaabay akhrinta suuratul faataxo iyo duco loo aqriyay wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKMG ah C/shakuur Shiikh Xasan oo Jimcihii lagu dilay qarax ka dhacay gurigiisa shalayna lagu aasay Muqdisho.

Ku-simaha guddoomiyaha Ahlusunna ahna Afhayeenka Ahlusuna Shiikh C/qaadir Soomow oo hadalka billaabay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin farxad iyo murug isugu jirta, isagoo sheegay inay ka tiraanyeysan yihiin geeridii wasiirkii hore ee ammaanka Qaranka, halka ay ku faraxsan yihiin geeridii hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika Fazul Cabdalla oo Arbacadii lagu dilay Ex-Koontarool Afgooye.


Shiikh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in waqtigii Al-Shabaab uu dhamaaday, isagoo sheegay in dilka Fazul uu u yahay jab, isla markaana fikirkooda uu gebo-gebo ku dhow yahay, isagoo xusay in geerida Fazul ay tahay guul u soo hoyatay nabada Soomaaliya.

"Ninkaas wuxuu sabab u ahaa dhibaato badan oo dartii u soo gaartay dadka ku nool Kenya iyo Soomaaliya, wuxuu kaloo sabab u ahaa baabi'inta madaaristii Qur'aanka, iyo xirnaanshaha Masaajidada lagu cibaadeysan jiray" ayuu yiri Shiikh Soomow.

Shiikh Muuse Cagaweyne oo ka mid ah culumaa'udiinka Ahlusunna ayaa sheegay in la baabi'iyay caqiidadii saliimka ahayd lana suuliyay raadadkii Islaamka ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

"Marka u horreysay waxaa leeyahay shar ayuu ahaa Fazul oo qaribay geeska Afrika, wuxuu kusoo dhacay waddadii uu ku bixi lahaa, sidaas darteed Caalamka waxaa leennahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid ka culus midda ka jirta dalalka Chechniya, Afganistaan iyo Ciraaq" ayuu yiri Shiikh Muuse Cagaweyne oo sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya loosoo gurmado.


Sidoo kale Shiikh Muuse ayaa xusay in aqoonta iyo fikirka meesha laga saaray, isla markaana si ay u hirgasho caqiido aan sax ahayn lala wareegay madaaristii iyo Masaajidadii, halka loo socdana ay ahayd in wax aan shaqo ku laheyn diinta Islaamka la keeno, dalkana fowdo laga geliyo.

Sidoo kale, waxaa aqoon-isweydaarsigan hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Ansaaru Ahlusuna Wal-jameeca Shiikh Suldaan Shiikh Aadan Macalin (Suufi-yare) oo ka hadlyay is-qarxinta, isagoo sheegay inay tahay mid caddeyn u ah in Al-shabaab laga adkaaday, taasna ay keentay inay tabahaas adeegsadaan.

"Waa in laga hortagaa is-qarxinta ay adeegsdaaan shabaabka, waxaa looga hortagi karaa in la sameeyo wacyi-gelin, gogol walba, guri, illaa geed la tago" ayuu yiri si looga hortago waxyaabahaas guracan.

Shiikh Axmed Shuqul Shiikh Aadan Dheere oo ka mid ah saraakiisha Ahlusunna ayaa isna sheegay in Soomaaliya looga soo galay dhanka Diinta, isagoo xusay in waagii hore ay carabta ka xoog badnaayeen, dhanka diinta iyo dhaqankana ay ahayd mid ay Soomaalida ku dheggenayd.

"Dhaqan nadiif ah ayaan lahayn, diintana aad baan ugu xooganayn, hadda dhinaca diinta ayaa nagala soo galay bulshada waxay lumisay door badan oo fikradaha ama caqiidada qaldan la keenay in laga hortago"ayuu yiri Shiikh Axmed Shuqul.

Wuxuu sheegay in qofku uu is-dilo inay xaaraan tahay ama uu naf kale oo qof muslim ah gooyo, waxaana uu xusay in ficilada hadda ay wadaan Shabaab aanay ahayn mid Diin ku saleysan, hase ahaatee falalka is-qarxinta ay tahay barnaamij gaar ah oo aan diin ku saleysnayn, wuxuuna tusaale u soo qaadtay Qabiilka Tamil Tigers ee Serilaanka ay is-qarxin fuliyeen.


"Meesha marka waxaa ka muuqata in xiriir ka dhaxeeyo oo ay isku ficil yihiin, qofka maanta in la dhaho is-qarxi maskaxdiisa lasoo qaldo waa arrin aan caqiiqada iyo diin raad ku lahayn, waa is-bedel khasab ah oo qofka maskaxdiisa lagu sameeyay" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

"Wax shaqo ah kuma lahan Diinta, waa shirkad isu tagay oo Soomaaliya inay u soo shaqo tagaan loosoo diray, hala ogaado inaysan wuxu diin ahayn" ayuu mar kale yiri Shiikh Axmed Shuqul oo tilmaamay in fikradaha dalka lasoo geliyay ay yihiin kuwo dibadaha laga soo safriyay.

Ugaas Aadan Diiriye oo ka mid ah Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca isla markaana ka mid ah madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dilalka lagula kacayo bulshada inteeda waxgaradka ah ay keentay inay in Al-Shabaab ay diinta Alle u fasirtaan sidii ay doonaan, "Diina Islaamku ma aha diin wax lagu laayo, ee waa diin naxariis iyo wanaag ummadda u horseeda, wax walba oo xumaan ahna ka nasahan" ayuu yiri Ugaaska oo dhinaca kale bulshada ugu baaqay inay ka hortagaan dadka xumaha u horseedaya bulshada.

Siminaarkan maanta Culimada Ahlusuna loogu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah siminaarrada qaybaha bulshada ay u qabato hay'adda wada-hadalka bulshada, kaasoo ay u qabato waxgaradka, culumaa'udiinka, Haweenka, dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka.