Axad, June 12, 2011 (HOL) – Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa maanta mar kale ka dhigay degmooyinka gobolka Banaadir mudaaharaadyo ay ku taageersan yihiin xukuumadda KMG ah iyo ra'iisul wasaare Farmaajo, ayna uga soo horjeedaan heshiiskii magaalada Kampala.
Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa waxaa qaarkood xabadka ugu dhegenaa sawirka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, halka kuwo kalena ay wajiga ku xardhadeen calanka Soomaaliya. Waxayna dibadbaxayaashu wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku taageerayaan xukuumadda KMG ah.
"Waxaan taageersannahay Farmaajo, waxaana kasoo horjeednaa tobankii qodob ee uu soo qoray dajire Augustine Mahiga, dibadbaxyaduna ma joogsnayaan illaa uu ka yiraahdo ra'iisul wasaaruhu howsha xukuumadda waan sii-wadayaa," ayay tiri La-jecel Faarax Barre oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxyada dhigayay.
Bannaabaxayaasha oo socod ku maray jidad uu ka mid yahay Maka Al-Mukarama ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay taageeraan xukuumadda KMG ah ayna kasoo horjeestaan qodobbadii shirkii Kampala taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid codka ay ku siinayaan xukuumadda.
"Ra'iisul wasaare kuguma taageersanin qabiil iyo nasab midna ee waxaan kugu taageernay waxqabadkaaga muddadii lixda bilood ahayd ee aad howsha haysay, waana inaadan iska casilin xilkaaga," ayuu yiri mid ka mid ah dibadbaxayaashii oo aad u qaylinayay, wuxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay garab taagan yihiin ayna ka rajeynayaan inay hadalkooda qaadato.
Mudaaharaadayaasha ayaa waxay eedeyn u jeediyeen madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyagoo sheegay inay galeen heshiis aanay dani ugu jirin dalka iyo dadka balse ay ka fikireen dantooda oo keliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidsho, Soomaaliya