Xildhibaan Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ah ku eedeeyay inay galeen qiyaano Qaran

Axad, June 12, 2011 (HOL) – Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxeynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inay galeen qiyaano Qaran.

"Heshiis ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku kusoo gaareen Kampala go'aanadiisa waa kuwo aan loo baahnay, isla makaana aan sal ku lahayn dhiaatadii jirtay ee la rabay in la xalliyo, sidaa daraadeed waa go'aanno waxba kama jiraaan ah," ayuu yiri Mowliid Macaani.

Xidhibaanka oo u warramayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaas qodobbadiisa ay yihiin wax ka weyn wixii horay u taagnaa, isagoo sheegay inay yihiin kuwo wax looga bedelay jirtaankii Soomaaliya iyo sharciyadii lagu soo dhisay xukuumadda KMG ah.

"Heshiisku wuxuu wax ka bedelay sharciga dalka, sidaa daraadeed waa heshiis aan dhihi karo waa qiyaano Qaran oo caddaan ah, dalkana loogu gacan geliyay shisheeye," ayuu yiri xildhibaan Mowliid.

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaan Mowliid Macaani uu sheegay in khilaafka ka dhex-oogan hay'adaha dowladda uu mas'uul ka yahay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, isagoo sidoo kalena eedeeyay madaxweynaha Sheekh Shariif.

Qodobbadii kasoo baxay heshiiskii Kampala ee ay saxiixeen Labada Shariif ayaa waxaa ka mid ahaa in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu iska casilo xilka taasoo dhalisay mudaaharaadyo khasaare geysatay oo ka dhacay Muqdisho Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay.

Heshiiskaas ayaa waxaa sidoo kale kasoo horjeestay xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, iyadoo golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah oo shalay kulan ay yeesheen kaga hadlay heshiiskaas, ayaa isku raacay in iscasilaadda ra'iisul wasaaraha ay ku xiran tahay go'aanka uu baarlamaanku ka qaato heshiiskaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidsho, Soomaaliya