Sports: Mukhtaar Cali Afgooye oo looga yeeray Xulka Da'yarta U15 dalka England

Axad, Juun 12, 2011 (HOL) - Xiriirka Kubadda cagta dalka England (FA) warqad ay u soo direen ciyaaryahan ka tirsan da'yarta kooxda Chelsea ayay ku sheegayaan inay ku casumeen koobka Nike World Cup 2011 oo lagu qaban doono magaalada Manchester.

Koobkaas ayaa waxaa ka soo qayb gali doono wadamo badan oo ay ka mid tahey xulka England da'yartooda ka yartay 15 jir.

Waa warbixin lagu farxo in wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada London inuu helo fursad weyn oo mustaqbalka u horseedi doonto in uu Mukhtar ku biiro kooxaha waaweyn ee ka dhisan dalka England. Waxay sidoo kale niyadda u dhisidoontaa carruurta Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ku biiraan kooxaha guud ahaan ka dhisan wadamada Yurub.

Ciyaaryahankaan waxaa dhaley Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Cali Afgooye, Mukhtaar waa ciyaaryahan mustaqbal wanaagsan leh, muda lago joogo 3 sanadood ka hor waxaan goob joog ka ahaa inuu kooxda Manchester City ay rabeen inay la galaan heshiis rasmi islamarkaana ku soo biriyaan ciyaartooydooda mustaqbalka, hasayeeshee markii dambe waxaa baadi goob ciyaartooy da'yarta ah ay ku doonayaan kooxaha dalkaan Ingiriiska ku heshey kooxda Chelsea, taasoo ugu dambeyntii uu ku biirey ilaa haatana uu ka mid yahey.

Mukhtaar yare waxaan u rajeynaynaa guul wacan iyo inuu noqdo ciyaaryahan soo baxo mustaqbalka insha Allah.