Xukuumadda dalka Kuwait oo sheegtay in diyaaraddii afaraad oo gargaar wadda ay u direen Soomaaliya

Axad, July 31, 2011 (HOL) Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay diyaaraddii afaraad oo gargaar bani'aadamnimo sida ay u direen Soomaaliya Axadda maanta ah, taasoo sida sahay gargaar oo lagu caawinayo barakacayaasha abaaraha ee ku jira xeryaha Muqdisho.

Fourth Kuwaiti relief plane heads to SomaliaMadaxa hay'adda bisha cas ee dalka Kuwait ee loo yaqaan (KRCS) Barjas Al-Barjas ayaa sheegay in diyaaradda oo ka duushay Kuwait ay siddo gargaar isugu jira raashin iyo qalab kale, kuwasoo ay ka mid yihiin caanaha caruurta lagu nafaqeeyo.

"Diyaaradda afaraad gargaarka ay waddo waa kuwii uu amray amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabah Al-Axmed, waana gargaar ay shacabka Kuwait ugu deeqeen walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen," ayuu Al-Barjis u sheegay wakaladda wararka Kuwait ee KUNA.

Wuxuu sheegay in gargaarka uu yahay mid ay kaga jawaabayaan codsi ku aaddan in gagaar lala soo gaaro dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed. Isagoo xusay inay si sax ah ugu qaybin doonaan dadka dhibaateysan.

Illaa saddex diyaaradood oo gargaar bani'aadamnimo waday ayaa waxay labadii todobaad ee lasoo dhaafay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo gargaar qaybo ka mid ah loo qaybiyay barakacayaasha abaaraha ee ku jira kaamamka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya