
Axad, 31 July 2011 (HOL)- Taageerayaasha garabka Faysal Cali Waraabe ee Xisbiga UCID ayaa isku dayay inay xoog ku qabsadaan xarunta dhexe ee Xisbigaas oo ay dhawaanahanba Ciidanka amniga ee
Xisbiga UCID ayaa laba garab u kala jabay, ka dib markii ay inta badan guddida fulinta ee Xisbigaasi ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, taas oo uu ku gacan-saydhay Faysal iyo xubno ku weheliya aragtidiisa. Taasina waxay keentay in ay arrinta soo galaan Ciidamada amniga oo ay la wareegaan xarunta Xisbigaas.
Taageerayaasha garabka Faysal Cali Waraabe oo ay horkacayaan xubnaha garabkaas qaarkood, ayaa maanta isku dayay in ay xoog kula wareegaan xarunta dhexe ee Xisbigaas, waxaanay isku dhaceen Ciidamadii halkaa ku sugnaa. Taageerayaasha Faysal ayaa dhagax-tuur ku bilaabay Ciidankii xarunta ku sugnaa, taasina waxay kalliftay inay Ciidamada amnigu Rasaas kor u ridaan, isla markaana ay xoog u kala eryaan dadkaas. Taageerayaashu intii ay dhagaxa tuurayeen, waxay sidoo kale jareen oo ay dhagax ku xidheen Jidka hormara xarunta Xisbiga.

Masuuliyiinta Ciidamada iyo kuwa Gobolka oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex Axmed X. Cumar (Xamarji), ayaa soo gaadhay xarunta Xisbiga ee rabshaddu ka dhacday, waxaanay isku dayeen inay rabshadda xaliyaan.
Ka dib markii ay Ciidamada oo xoog ciidan adeegsanayaa ay kala eryeen dadkaas, waxay taageerayaasha Faysal Cali Waraabe tageen dhinaca Jidka isku xidha magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Hargeisa, kaas oo inta badan halbowle u ah hawlo badan oo ka mid ah hawl-maalmeedka Magaalada, waxaanay waddooyinka ku jareen Dhagxaan, Geedo waawayn iyo agab kale oo ay ku xannibeen jidkaas. Inkasta oo ay markii dambe goobta gaadheen Ciidamada Boolisku, haddana waxay taageerayaasha Faysal gaadiidka ka horjoogsadeen inay isaga gudbaan Jidkaas, iyaga oo Gaadiidka qaarkoodna jajebiyey, isla markaana Taayiro ku gubay Jidkaas.

Guddoomiyaha xilkiisa muranku ka taagan yahay ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa taageerayaashiida farriin u mariyay warbaahinta, “Waxaynu nahayd dal dawlad iyo sharci leh, waxaan tabashadeena ku dhamaysanaynaa Wanaag, xisbi ahaan waxaynu ku caan baxnay badbaadada Somaliland ee waxaan taageereyaasha UCID u soo jeedinayaa inaanay samayn wax dhibaato ah oo dalkeena waxyeelaya oo inaga la inoo aaneeyo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa arrintii gacanta ku haya Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaan u soo jeedinayaa inay dawladdu arrintaasi soo afjarto. Taageereyaashana waxaan leeyahay yaanay dhicin wax dalka waxyeelayna oo inaga la inoo aaneynayo,
Mar uu Faysal ka hadlayay halka uu muranku ka bilaabmay, waxa uu yidhi, “27-kii bishan ayaa xafiiskaygii inta 20 askari la soo siiyay Waqaf iyo kooxdaasi uu watay ayaa la geliyay markii aan ugu tagay ee aan ku idhi maxaa dhacay? Waxay igu yidhaahdeen waanu ku ridnay waxaanan ku idhi xeerka aad igu tideen intaad maxkamada la tagtaan ha yidhaahdaan waa sharci anigaa markaa anigaa markaa idiinka baxaya xafiiska. Askartii waxay yidhaadeen waa runtiisa ee sharci ayuu kaga bixi karaa waa la iga saaray ka dibna waxay soo kaxayteen Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu yidhi waxa la yidhaahdaa Xasan waxaan ku idhi waa kan xeerkaygii ee wixii sharciya ka soo saar wuu eegay ka dibna iyagii ayuu ku yidhi ina keena ka dibna qol ayuu la galay dibna iigumuu soo noqon.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa,