
Axad, July 31 (HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Dalka Djibouti.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha dibadda, Wasiirada arimaha haweenka iyo Qoyska, Wasiirkii hore ee Maaliyada, iyo Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo dib-u- dhiska. Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay Madaxtooyada dalka Djibouti.
Madaxweynaha ayaa waxaa u wadaa dadaal balaaran oo ku wajahan sidii wax loogu qaban lahaa abaaraha iyo colaadaha is biirsaday ee ka jira dalkeena Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha ugu mahad celiyay dowlada Djibouti garabtaagnida had iyo jeer ay u muujiso Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo ka warbixiyay xaalada amniga iyo horamara aya gaarayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo kuwa AMISOM. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wargeliyay Madaxaweynaha Djibouti in ay in howlihi amni sugida ay dib u bilowdeen lana wadayo ilaa Alshabaab& Al-Qeada laga ciribtiro dhamaan dhulka Soomaaliya.
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
[email protected]
Madaxweyne Shariif oo dadaal ugu jira in wax laga qabto abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya
More News
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed
- Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle (SAWIRRO)
- Ururka HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaalada Kismaayo ku kordhiyey dhismayaal Cusub (SAWIRRO)
- Xukuumadda dalka Kuwait oo sheegtay in diyaaraddii afaraad oo gargaar wadda ay u direen Soomaaliya
- Ururka Midowga Afirka oo qabanaya shir dhaqaale loogu ururinayo abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya
- Gudiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed ee dalka Norway oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha xerada Aala-Yaasir
- Wariyaha Hiiraan Online ee Puntland oo maanta laga sii-daayay xabsi uu ku jiray muddo bil ka badan
- Dhaqdhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Gobolka Jubbada hoose
- Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay inay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ku dileen sarkaal u dhashay Mareykanka
- Shirweynihii Afaraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo lagu doortay hoggaan cusub
- Rabshad ka dhacday Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID iyo Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay (SAWIRRO)
- Shirkii Azaaniya oo soo gaba-gaboobay iyo Affey oo ku baaqay in dalka la aado