![]() |
| Wariye Faysal Maxamed Xasan (Boston) |
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib xorriyadeyda u helo, 33-kii maalmood ee aan ku jiray xabsiga waxay ii ahayd maalmo mugdi ah," ayuu yiri Faysal oo qoslaya, isagoo sheegay inuu u mahadcelinayo cid walba oo gacan ka geysatay inuu dib u helo xorriyadiisa, gaar ahaan wuxuu mahad u celiyay maamulka Puntland, shaqaalaha HOL iyo ururrada saxafiyiinta gudaha iyo dibadda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in intii uu xabsiga ku jiray uu maqli jiray inay dadaallo lagu sii-daynayo ay wadeen maamulka Hiiraan Online, ururrada suxufiyiinta, isagoo si gaar ah u xusay hay'adda difaaca suxufiyiinta dunida ee CPJ.
Wariye Faysal Boston ayaa waxay booliiska Puntland xabsiga u taxaabeen 28-kii Juun, iyadoo bishan labadeediina ay maxkamadda darajada koowaad ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay war aan sax ahayn, balse maanta ayuu nasiib-wanaag dib u helay xorriyadiisa.
"Cid walba oo gacan ka geysatay sii-dayntayda aad ayaan ugu mahadcelinayaa, maantana xor ayaan ahay," ayuu yiri wariye Faysal Boston oo sheegay inuu howlihiisa sii wadan doono.
Maamulka Hiiraan Online iyo wariyeyaasha ayaa aad u soo dhaweeyay sii-daynta Wariye Faysal Boton, iyagoo u rajeeyay shaqo wacan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
