Axad, July 31, 2011 (HOL) – Shirweynihii afraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa lagu soo gabogabeeyay magaalada Hargeysa, ka dib markii la doortay hoggaan cusub.
![]() |
Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA oo socday muddo laba maalmood ah, waxa lagu doortay 15 Xubnood oo ah Gudida fulinta ee Ururkaasi, kuwaasi oo iyaguna iska sii dhex doortay Gudoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye guud. Guddoomiyaha cusub ayay Guddida fulintu u dooratay Xasan Maxamed Yuusuf, Gudoomiye-ku-xigeenna waxa loo doortay Saleebaan Ibraahim Maxamed (Saleebaan Guray), halka Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA loo doortay Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.
Xubnaha kale ee Guddida fulinta ee shirweynahan lagu doortay waxay kala yihiin;
![]() |
Maxamed Cabdi Curad, Maxamed Jamaac (Caloolay), Barkhad Maxamuud Kaariye, Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago), Cali Jaamac Maxamed, Keyse Axmed Digaale, Cabdisalaan Xariir Sheekh Cismaan, Mustafe Sheekh Cumar Geeddi, Cali Aare, Nimco Samriye, Sahra Sh. Cabdiwahaab, Maxamed Shaqalle..
Waxa doorashada Guddida Fulintu u qabsoontay si hufan oo xor ah waxaana shirweynaha lagu kala saaray 27 Murashax oo isku soo taagay tartanka loo galay 15 xubnood ee Gudida fulinta SOLJA.
Hoggaanka cusub ee la doortay ayaa u mahad celiyay ergadii shirweynaha afraad ee codka aqlabiyadda ah ku doortay, waxaanay balan qaadeen inay sadexda sanadood ee ay maamulka ururkaasi hayaan ay dedaal weyn u geli doonaan sidii ay ururkaasi u dhaqaajin lahaayeen waxaanay ku doodeen inay ka shaqayn doonaan danaha iyo kor u qaadida xubnaha Suxufiyiinta Somaliland ee ku bahoobay ururkaasi.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.

