Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay inay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ku dileen sarkaal u dhashay Mareykanka

Axad, July 31, 2011 (HOL) Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdihso ay ku dileen sarkaal Mareykanka ah, kaas oo ay sheegeen inuu hoggaaminayay dagaalka.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho maanta oo Axad ah ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan sarkaalka ay dileen cadeymihiisa.

"Mujaahidiinta waxaa u suurogashay inay ku dilaan degmada Hodan sarakaal Mareykan ah oo dagaalka hoggaaminayay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo xusay inay hayaan caddeymo ay ku xaqiijin karaan arrintan ayna dhawan soo bandhigi doonaan.

Inkastoo aan lasoo bandhigin maydka sarkaalka Mareykanka ah, ayuu haddana afhayeenku sheegay in sarkaalkan uu ka mid ahaa saraakiishii horay u soo raacay cidamada AMISOM, isagoo xusay in ciidamada Burundi iyo Uganda ka socda ay tababar soo siiyeen ciidamo Mareykan ah intii aan la keenin Soomaaliya.

Dowladda KMG ah ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay Al-shabaab ee lagu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ay ku dileen sarkaal Mareykanak ah, iyadoo tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay ay Muqdisho ahayd goob dagaal.

Ugu dambeyn, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay inay sidoo kale ku dileen dagaalladii Muqdihso ay kula galeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinayay saraakiil iyo ciidamo fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya