Axad, July 31, 2011 (HOL) – Uurrka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu qabanayo shir dhaqaale loogu ururinayo abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya, si loo caawiyo dadka abaaruhu ay ku habsadeen.
Waraxaafadeed uu ururku soo saaray ayuu ku sheegay in shirka dhaqaalaha lagu ururinayo ay yeelanayaan madaxda Ururka, iyadoo ay ka qaybqaadanayaan xubno ka socda dalalka deeqaha bixiya.
Shirkan ayaa lagu ballanqaadi doonaan dhaqaale lagula tacaalo abaaraha ka taagan Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, sida lagu sheegay warka saxaafadda loogu talogalay ee kasoo baxay Midowga Afrika.
"Waxaan weydiisanayaa Qaaradda Afrika, laga soo bilaabo waqooyi illaa koonfur inay gacan ka geystaan sidii lagu caawin lahaa dadka abaaruhu ku habsadeen," ayuu yiri ku xigeenka guddoomiyaha Midowga Afrika Erasmus Mwencha oo dhawaan booqday Muqdisho.
Baaqa uu jeediyay Mr. Mwencha ayaa imaanaya iyadoo Qarammada Midoobay ay sheegtay in xaalad daran oo macluuleed ay ka taagan tahay Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo dadkii ku noolaa ay bilaabeen inay ka cararaan.
Kumanaan kun oo Soomaali ah ayaa u gudba maalin walba dalalka Itoobiya iyo Kenya iyagoo raadinaya kaalmo bani'aadamnimo, iyadoo sidoo kale ay gudaha dalka ku barakacayaal kumannaan kale oo macluul daran ay ka muuqato.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya