Axad, July 31, 2011 (HOL) – Waxaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa deegaano katirsan gobolka J/hoose oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomalaiya, ururka Raaskaambooni iyo Xarakada Alshabaab.
Degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran oo ay ku suganyihiin xarakada Alshabaab ayaa saaka waxa ka jira xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay u dhameystiranyihiin saanadahooda militari ay u soo ruqaansadeen dhanka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.
Xarakada Alshabaab ayaa afaafka hore ee dagaalka isugu geystay ciidamo aad u xoogan iyadoona masuuliyiinta hogaamineysa ciidamada dowladda kMG ah ee Soomaaliya ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka ay shaaca ka qaadeen in ay weerari doonaan fariisimaha xarakada Alshabaab ay ku leeyihiin Gobollada Jubooyinka.
Col Cabaas Gurey oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ka dagaalama Jubooyinka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay ka go'antahay in ay gobollada Jubooyinka ka sifeeyaan xoogaga Xarakada Alshabaab.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay tabar ciidan ugu soo xirtay deegaanka Dhoobley ciidamo gaaraya ku dhowaad ilaa 700 oo askari kuwaa oo markii uu tababarka u dhamaaday loo daabulay furumaha hore ee Dagaalka.
Xarakada Alshabaab ayaa iyadu dhankeeda awoodi ugu cusleyd waxa ay ay isugu geeyeen dhanka degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran, iyadoona ay ka go'antahay in ay difaacdaan magaalada Kismaayo oo ah magaalo istaraatiji ah oo leh marsad caalami ah, kana mid ah goobaha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo xaroodo ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya