Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya ayaa maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Taabto iyo Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana dagaalkaas ay khasaare kasoo gaartay labada dhinac.
Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay markii ay Al-shabaab miino ku weerartay gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo ku socday degmada Dhoobley.
Inta la hubo dagaalka waxaa ku dhintay afar qof oo dhinacyadii hardamayay ka tisranaa, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in dagaalka iyo qaraxa miino ay ku dileen saddex ka mid ah Askarta Kenya.
Saraakiisha Al-shabaab u hadlay ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka, iyadoo dagaalka uu socday muddo saacad barkeed ah sida ay u sheegeen warbaahinta saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan meel ku dhow halka lagu dagaalamay.
Dowlada Kenya ayaan ka hadlin dagaalka ciidamadeeda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray maanta gobolka Jubada hoose, waxaana dagaalkan uu qayb ka yahay dagaallo dhexmarayay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo Al-shabaab.
Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ku sugan kumannaan askarta Kenya ka tirsan, kuwaasoo halkaas u yimid inay la dagaalamaan Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay khatar ku tahay ammaanka dalka Kenya.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore beenisay eedeymaha ay Kenya u soo jeedisay, waxaana ay sheegtay inay dagaalka wadayso tan iyo inta ay askarta Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya