Cabsi ka jirta Xerooyinka Qoxootiga Degmada Dhadhaab iyo Booliska Kenya oo dad badan ku xir-xiray halkaas

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Wararka aynu ka heleyno xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in saaka askar fara badan lagu soo daadiyay xerooyinka qaxootiyada ee Dhadhaab, iyadoona dhalinyaro looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab la sheegay in ay xirxireen.

C/qaadir Xasan oo kamid ah dadka ku dhaqan xerada IFO ayaa HOL u sheegay in saaka xaafadaha magaalada lagu soo daadiyay askar kuwaasoo dadka la dhacayay karbaash, waxaana uu sheegay in ay guryaha dadka ugu galayeen.

"Ganacsiga intiisa badan maanta waa uu xiranyahay, dadkana guryahooda ayay ku jiraan iyagoo ka baqaya in ay askar qabsato, waxaana xerooyinka lasoo dhoobay askar fara badan," ayuu hadalkiisa ku daray.

"Anaga markii hore Soomaaliya dhibaato ayaan uga soo cararnay, halkanna hada waxaad moodaa dhibaato tii ka daran in ay ka jirto, meel aan aadno ma garaneyno," ayuu yiri Cali Max’uud oo kamid ah dadka ku nool xerada Xagardheer.

Isu socodka gaadidka ka dhex shaqeyn jiray sedexda xero ayaa shalay ilaa manta hakad ku jiro, waxaana bulshada ku dhaqan xerooyinkaasi lasoo darastay xaalad nololeed oo aad u adag.

Dhanka kale dadka ku dhaqan xerooyinka IFO iyo Xagardheer ayaa inoo sheegay in laga jaray raashiinkii iyo biyihii, iyagoona sheegay in bil kasta ay laba jeer qaadan jireen raashiinka balse aysan helin bishii ugu danbeeysay wax raashiin ah.

Shalay ayay ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay gudaha xerada qaxootiga ee IFO kaasoo lala eegtay gaari ay wateen askar katirsan ciidamada Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya