Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Dowladda Keny ayaa sheegtay inay duqeyn u geysteen deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose diyaaradahooda dagaalka, iyagoo sheegay inay ku dileen duqeyntaas 18-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Balse duqeyntaas ayaa waxaa ku dhintay 15-qof oo shacab ah kuwaasoo u badan caruur ay gantaalladu kula dhaceen guryahooda, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 25-qof oo qaarkood ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo halis ah.
"Weerarradii bambaano ee ka dhacayay meelaha ku dhow xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab waxaa laga soo abaabulay Hoosingoow," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen milateriga Kenya.
Afhayeenka milateriga Kenya Maj. Emannuel Chirchir ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan iyo 17-dagaalyahan oo ku sugnaa deegaanka Hoosingoow.
Dowladda Kenya ayaa waxay u dirtay Soomaaliya kumannaan askarteeda ka mid ah bishii Oktoobar ee sannadkan, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay weerarro iyo afduubyo laga geystay gudaha dalka Kenya.
Xarakada Al-shabaab ayaa beenisay eedaha kasoo baxay dalka Kenya waxayna ku tilmaameen faragelintooda milateri inay tahay mid ay ku doonayaan inay qaybo ka mid ah Soomaaliya ku qabsadaan.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay Al-shabaab beeniyay in dagaalyahanadooda ay ku dhinteen duqeyntii ay diyaaradaha Kenya u geysteen deegaanka Hoosingow shalay gallinkii dambe, isagoo sheegay in dadka ku dhintay ay dhammaantood ahaayeen dad rayidka ah oo deegaanka dagganaa.
Hoosingow oo 160-km dhinaca galbeed ka jirta degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay duqeeyaan diyaaradaha dagaalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya