Maamulka Ximi iyo Xeeb oo qaadacay ka qeybgalka shirka Wadatashiga Soomaalida ee ka furmaya Garoowe

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Mas’uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka dhasan bartamaha dalka Soomaaliya, kana mid ah dhinacyada lagu casuumay shirka wada tashiga Soomaalida ee ka furmaya magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ay qaadaceen ka qeyb-galka shirka.

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ee gobollada dhexe Max’ed Cumar Hagafey oo warbaahinta kula hadllayay degmada Cadaado ayaa sheegay in wada hadal dheer iyo wadatashi ay yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobollka isku afgarteen in aysan ka qeyb-galin shirka ka furmaya magaalada Garoowe.

"Anaga waan ka mid aheyn dhinacyadii lagu casuumay shirka, laakiin waxaan go’aansanay in aan shirkaa ka qeyb-galin, maadaama uu yahay shir aan dan u aheyn umadda Soomaaliyee, islamarkaana shacab-ka Soomaaliyeed wax talo ah ku laheyn,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb.

Max’ed Cumar Hagafey, waxaa sidoo kale sheegay in shirkaasi yahay mid uu gacanta ku hayo islamarkaana sida uu hadalka u dhigay uu iska maamusho ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augutine Mahiga.

"Shirka ma’aha mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagama filayo in ay ka soo baxdo, waa shir la doonayo oo kaliya in wax qoran oo shaqsi gaar ah uu soo qor-qortay in laga ansixiyo, sidaa daraadeed maamulka Ximin iyo Xeeb shirkaasi kama qeyb-galayo ayuu yiri,’’ afhayeenka.

Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kol hore ku dhawaaqy in maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka mid noqon doono maamulada ka qeyb-galaya shirka wada tashiga wajigiisa labaad ee magaalada Garoowe, waxaana xiligaa go’aanka madaxweynaha soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed C/llaahi Aadan Tiicey.

Lama oga sababta keentay in maamulka qaadaco ka qeyb-galka shirka wada tashiga magaalada Garoowe ee lagu casuumay, marka laga reebo sababaha uu ka dhawaajiyay afhayeenka maamulkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya